260 likes | 298 Views
WAAXDA HORUMARINTA SHAQADA & SHAQAALAHA QIIMEYNTA ADEEGYADA SHAQAALEYNTA KA HOR. Aqoon Kororsiga Xirfadaha Wareysiga. Wareysiga Shaqada – Waa maxay?. Waa kulan dhix mara adiga iyo shirkada wax shaqaaleysiisa.
E N D
WAAXDA HORUMARINTA SHAQADA & SHAQAALAHAQIIMEYNTA ADEEGYADA SHAQAALEYNTA KA HOR Aqoon Kororsiga Xirfadaha Wareysiga
Wareysiga Shaqada – Waa maxay? • Waa kulan dhix mara adiga iyo shirkada wax shaqaaleysiisa. • Barashada wareysiga waa xirfad – sida fuulista baaskiilka, GACAN KU HAYNTA way HAGAAJISAA
Wareysiga shaqada waa jid laba qaab leh • Shirkadaha shaqada bixisa waxay isku daydaa si ay ogaato haddii adigu aad shaqadu iyo dhaqanka shirkada ka jira tahay qof ku haboon • Adiga ayaa go’aaminaya haddii bay’ada meesha ka jirta tahay mid ku wana-agsan.
Noocyada Wareysiga • Talefoon: Waxaa loo isticmaalaa in musharaxiinta shaqada lagu kala saaro ama lagu kala yareeyo arji qortayaasha. • Waj—ka – Waji: Wareysiga noocyada caadiga badankoona wuxuu isku soo dhoweeyaa adiga iyo shirkada shaqada haysa. • Guddi ama Koox: waxay u ogolaataa in shaqsiyaad badan hal jeer wareysi la la yeesho. • Cunno: waxaa loo isticmaalaa in lagu eego sida aad u dhaqmeyso marka la joogo goob bulshadu ku kulanto. • Ilbiriqsi ama Wareysiga Goobta-shaqada: tani waxay qofka u ogolaaneysaa in lagu soo wareejiyo goobta shaqada, shaqa-alahana la kulmo, su’aalo dheeraad ahna weydiiyo shaqaale iyo/ama maamule kala duwan.
U-diyaar-garowga Wareysiga Ka Hor • Markastaaba baar jagada, shirkada, & howsha gaarka ee shirkada. • Naftaada ogow oo awood in aad xirfadahaaga si wanaagsan u qeexdo, waxyaabaha aad ku wanaagsan, waxyaabaha aad guusha ka gaartey, iyo himilooyinka xirfad shaqo. • Diyaari walxaha lagama maarmaanka (Nuqdo resumeygaaga ah, dadka ku garanaayo, bortofooliyo/jaldi, buug yar ama jadwal yar, nacnac kuleyl). • Weydiiso tilmaanta iyo halka aad baabuurka dhiganeyso.
Imaatanka • Iska hubi in aad isa siiso waqti kugu filan oo aad ku timaado barta aad u socoto (waxaa laga yaabaa in aad rabto in maalinta wareysiga ka hor in aad timaado si aad meesha u soo aragto). • Isku day imaansho 10-15 daqiiqo kahor meesha si aad u hesho waqti aad baarkin ku gasho, barta ugu lugeyso, musqul ku gasho,adna isku diyaariso.
Salaanta & Isbarida • Waxaa jira 1 fursad kaliya si aad marka 1aad u muujiso muqaal wanaagsan: • Si haboon u labiso • Dhoola-caddee • Indhaha ku aadi • Gacanta si adag ugu salaan • Ahow qof isku kalsoon oo heegan ah
Baaqyo Iijaabo leh Horey isu rogidda = xiiseyn Dhoolo-caddeynta = saaxiibtinimo Madax-lulid = Feejigan iyo Digtoonaansho Indho ku hayn = ahmiyad u leh oo raba in uu wax kasta ogaado ama barta Baaqyo aan La’isku hubin Gacmo isdhaafsiisan = Is difaac Gacmo ama cag ka dhaqdhaqaajin = isku dhex yaac ama caajis Indho ku hayn la’aan = aaminaad daro Dib u tiirsan = raaxo daro Luqadda Jirka & Gacmaha La Iskala Hadlo: Maxay tahay baabqyada aad u direyso?
Kuwa Caadi ahaan la'Isweydiiyo bartilmaameedsada waxbarashadaada, qibradaada shaqo iyo himilooyinkaaga shaqo Su’aalaha waxay noqon karaan Wax iiga sheeg naftaada? Maxay tahay waxyaabaha aad aadka ugu wanaagsan tahay? Waxyaabaha aad ku liidado? Maxay tahay sababta aad u dooratey in aad wareysi noogu timaado? Maxay tahay waxyaabaha aad aadka ugu jecleyd ee shaqadaadii hore? Ama adan ugu jeclayn? Maxay yihiin himilooyinkaaga shaqada ee muddo dheer ama muddada gaaban? Noocyada Su’aalaha Wareysiga Shaqada
Su’aalaha Aqlaaqda Su’aalaha ku aadan aqlaaqda waxay ahmiyad-saartaa ficiladaada iyo/ama aqlaada ama dhaqankaaga hore. Dhaqankaagii hore waxaa laga helaa tilmaan sida ay mustaqbalka wax noqonayaan Su’aalaha waxay noqon karaan Su’aalaha Waxay Noqon Karaan Qeex waqti lagaa doonayay in aad gaarto go‘aan adag? Wax iiga sheeg goortii ugu dambeysey aad ka soo baxdo waqti laguu qabtey? Maxaad sameyn la hayd marka aad aragto in xubin ka mid ah kooxda uusan qeybtiisa/teeda ka soo baxeyn? Noocyada Su’aalaha Wareysiga Shaqada
Su’aalo aanan habooneyn ama anshax ahaan qaldan Su’aalaha kuwaas oo wax kaa weydiinaaya noloshaada gaarka ama asalka qof shaqsiga Su’aalaha ku saabsan halka aad ka soo jeedo, diin, hanaan-jinsi, la'xaad la'aan, xaalada guur Su’aalooyin Tusmo ah Imisa sano ayaa jirtaa? Miyaad leedahay caruur? Miyaad wax aafo ah leedahay? Waa maxay diinta aad aaminsan tahay? Noocyada Su’aalaha Wareysiga Shaqada
Su’aalaha adiga lagu weydiiyo, Wareysiqaadaha Si uu ugo’aansado haddii aad tahay qof ku haboon shirkada iyo jagada, diyaari qoraal su’aalo oo aad wareysiqaadaha weydiineyso Su’aalaha Waxay Noqon Karaan Waa maxay nooca howl ee la iga filan karo in aan qabto inta lagu jiro sanadka kowaad? Waa maxay waxa aad ugu jeceshahay oo shirkadan ku saabsan? Waa maxay waxa ugu weyn ee hadda hortaagan waaxda tan? Maxay yihiin xirfadaha aad jagadan u raadineysaan? Waa maxay tallaabada la qaadayo ee xigta? Noocyada Su’aalaha Wareysiga Shaqada
Tabaha Guud ee Wareysiga • Isku diyaari in naftaada iyo qibrada aad leedahay ka hadasho. • Xifdi xirfada sheeko-sheegista. • Sii tusaalooyin waaqici oo gaar ah ee ku saabsan natiijooyinkaaga/guulahaaga. • Inta uu wareysiga shaqada uu socdo ku sugnow oo muuji kalsooni, heegan, xamaasad-badan, iijaabo.
Tabaha Guud ee Wareysiga • Xusuusnow, wareysiga shaqada waa wadahadal rasmi ah – oo ka fogaw kalmadaha meelaha banaan buuxiya sida “Um", “Ah”, iyo "Ma taqanaa”. • Ka fogaw jumladahan gaaban go’aan darrada sida: “Waxaan u ila tahay,” “waxaan u malaynayaa,” “laga yaabo,” ama “aad u fiican”. • Fakir ka hor inta aadan hadlin. • Ka fogaw jawaabaha ereyo-adag oo dhaadheer--jawaabtaada ku xadid 1-2 daqiiqadood. • Haddii aad su’aasha maqlin ama aadan fahmin, weydiiso in lagugu soo celiyo ama laguu caddeeyo.
Tabaha Guud ee Wareysiga • Isdeji, naso, oo ha isku dayin in aad iska dhigto wax aadan ahayn. • Isku day in aad ahmiyadda siiso fariinta aad is leedahay gudbi—MA AHAN sida wanaagsan ee aad u hadleyso!
U Labiso in aad soo Guuleysato - Ragga • Labis Isku-Joog ama jaakadda labada meelood guluusyada ku leh oo lays dul saaro • Kowo si fiican loo soo tirtirey • Shaar wada cad • Negtiin ama taay • Iska hagaaji timaha, garka, iyo shanamka ama shaaribka • Ka fogaw barfuunka aadka u udgoon, negnegaha, iyo jirka mudmudan
U Labiso in aad soo Guuleysato - Dumarka • Surwaal ama goono isku joog • Taako gaaban ilaa dhexdhexaad • Iska yaree waxyaabaha wajiga la iska mariyo, barfuunka,iyo majoowharaadka • Xiro sigisyo mid caadi leh
DABAGAL • Weydii su’aalo wanaagsan. • U mahad celi wareysiqaadaha. • Ka codso in uu ku siiyo kaarkiisa ganacsiga (business card). • Wax ka weydii tallaabooyinka xigga ee ay qaadayaan.
DABAGAL sii socda • 24 saacadood gudahood u dir warqad qoraal oo mahad celin ah. • Warqadda gacan baad ku qori kartaa ama teeb ayaad ku qori kartaa; sidoo kale email ahaan waa la ogol yahay. • Warqad kastaba shaqsi gooni ah ugu tala gal oo magaciisa/ceeda ku qor.
Fekrada kama dambeyska • Xusuusnow in guusha ay boqolkiiba 15% kaliya ee wareysiga yahay mid awoodaada ka baxsan. • Qaado waqti oo aad dib u xusuusato… • Gebi ahaan, ka waran sidee baan ahaa? • Maxay ahayd waxa ugu wanaagsanaa ee aan iri? • Maxay yihiin marka xigta tallaabo-oyinka aan qaadi karo oo aan ku wanaajin karo?
Talo-bixin • Imtixaan iska qaad maalinta wareysiga aad leedahay maalinta ka horeyso. • Ku cel-celi! Ku cel-celi! Ku cel-celi! • Fiiri qoraalka taba-bar qaadashada su'aalaha wareysiga ee warqadaha la socdey oo jawaabo gaaban ku qoro. • Muraayada horteeda istaag oo jawaabahaaga ku tababaro. • Xarunta Shaqada balan ka sameyso si wareysiga aad ugu tababarato. • Hel hurdo wanaagsan oo si wanaagsan u naso oo u feejignaaw wareysiga. • Isdeji oo naso oo oo ha isku dayin in aad iska dhigto wax aadan ahayn!
Aqoon Kororsiga Xirfadaha Wareysiga Hambalyo! Waad dhameysey Aqoon Kororsiga Xirfadaha Wareysiga Shaqo.