270 likes | 300 Views
WAAXDA HORUMARINTA SHAQADA & SHAQAALAHA Q IIMEYNTA A DEEGYADA s HAQAALEYNTA KA H OR. Aqoon-Kororsiga Resumey Qorista. Q IIMEYNTA A DEEGYADA s HAQAALEYNTA KA H OR Bandhiga MowduucaTopic. QIIMEYNTA ADEEGYADA SSHAQAALEYNTA KA HOR Sharaxxaada Mowduuca. Tusaalooyinkan Guud
E N D
WAAXDA HORUMARINTA SHAQADA & SHAQAALAHA QIIMEYNTA ADEEGYADA sHAQAALEYNTA KA HOR Aqoon-Kororsiga Resumey Qorista
QIIMEYNTA ADEEGYADA sHAQAALEYNTA KA HOR Bandhiga MowduucaTopic QIIMEYNTA ADEEGYADA SSHAQAALEYNTA KA HORSharaxxaada Mowduuca • Tusaalooyinkan Guud • Baaritaanka Gogolxaarka • Cinwaan • Ujeedooyinka Qoraalka • Waxbarasho • Qirbrada Shaqaaleynta • Nooca Taariikh ahaan habeysan • Nooca Shaqeysa • Nooc Isku jira • Dad ku garanaya
Waa maxay resumey? • Resumeyga waa qibradaada shaqo, karti, iyo guulahaaga oo kooban. • Resumeyga ma ahan qoraal wax kasta ah oo aad horey u qabtey ee jagooyinkii hore. • Resumeyga waa in ay ku qoran yihiin waxa QIIMOu leh shirkad shirkada cusub dadka shaqaaleysiisa.
Tusaalooyinkan Guud • Dhirirka:Haddii aad tahay qof shaqada hadda ugu horeyso (entry-level) waxaa wanaagsan in rasumeygaga aad ka dhigto hal bog oo teeb-gareysan.Sida ugu suurto galka ah macluumaadka aad qeyb kasta ee resumeygaaga ku qoreyso ha ahaadeen mid qeexan. • Cabirka Xarafta: Ka fogow cabirka xarafta ee ka yar 10 dhibac ama ka weyn 12 dhibac. • Warqadda:Isticmaal warqadda 8 1/2” x 11” 20 lb. Resumeygaaga ku daabac birintiga laysarka ama nooc ay tayada qaddiisu sareyso. • Isticmaal sadar ku wareegsan iyo calaamadaha fallaarta, balse ka digtoonow in aad ka badiso.
Soo Ogow… Macluumaad guud ee shaqada Xirfadaha iyo qibradaha la doonayo Kalmadaha iyo waxyaabaha muhiimka ah Bayaanka Ujeedada Shirkada, iwm Halka laga raadiyo… Ka Baar Shirkada Boggeeda (Online) Jaaridyada Ganacsiga, majalooyinka, iyo Wargeysyada Meelaha Macluumaadka lagu qoro Maclimiinta Jaamacadaha Qoraalka Shirkada Baaritaanka Gogolxaarka
Caddaynta Macluumaadka • Ku qor magacaaga, cinwaankaaga joogtada, telfoon lambaradaada, iyo email-kaaga joogtada resumeygaaga korkiisa. • Ka fogow in aad isticmaasho naaneys. • Ku qoro cinwaankaaga URL-ka ama lambarka fakiskaaga haddii haddii aad haysato mid.
Ujeedooyinka Qoraalka • Waxaan kugula talinayaa in aad caddeyso oo sida suurto galka ah aad u qeexdo: “In aad jago La’taliye Maaliyadeed aad ka hesho shirkada A.G. Edwards” • Tani markaa waxay shirkadu u caddeyneysaa in aad dooneyso jagadaas in aad u qabato. Shirkada shaqada bixineyso uma sheegeyso in aad wax un aad iska raadineyso, balse aad ogtahay waxa hadafkaagu yahay iyo wax ahmiyadda aad saareyso.
Qoraalka Xirfadaha Oo Kooban • Ku qor 4-5 waxyaabood ee aad ku guleysatey, ama xirfado, karti caddeynayaa QIIMAHAAGA! • Ka bilow qoraalo guud ee guud-ahaan xirfadahaaga. • Ku dar xirfadaha qafiifka oo kala nooc ah.
Qeybta Xirfadaha Oo Kooban Tusaale ahaan: Xirfadaha Oo Kooban • 2 sanadood oo qibrad shaqo ku wanaagsan daryeelka macaamiisha. • Qaba karti ah isku-dubaridka iyo dhamistirida mashaariico dhowr ah inta lagu jiro waqtiga laguu qabto. • Xirfad u leh horumarinta iyo gacan ku haynta macaamiilka iskaashiga iyo macaamiisha. • u go'aan, howl-kar, kooxda door wanaagsan ka ciyaar.
Waxbarasho • Qeybtan muhiim ayay u tahay dadka dhowaan kulliyadda soo dhameeyey ama ardayda raadinaysa tababartenimo ama shaqooyinka xilliga xagaaga. • Adiga oo ka bilaabaya halka ugu sareysa ee aad waxbarashada ka gaartey, ku dar macluumaad sida Jaamacada aad ka soo dhameysey, shahaada aad soo qaadatey/fileyso in aad soo qaadato, majarkaaga waxa uu yahay, dhibicyada aad heysato isku-cel-celis, taariikhda aad koorsada dhameyn doonto, iyo waxyaabo la mid ah.
Waxbarasho AA Xisaabaad La filaayo 2007 Smoky Mountain College, Resume City, TN GPA-ga: 3.7/4.0 GPA-ga Mayjor: 3.6/4.0 Koorsooyinka Maadooyina oo Kooban: • GPA-ga la iskagama baahna. Tusaalooyin Guud: waxaa ka mid ah haddii ay tahay 3.5+. • Markastaaba ku qor dhibac buundada ee iskuulkaaga uu isticmaalo.
Qor koorsooyinka ay quseyso kaas oo: - Kaa caawin kara in dadka kale kaa soo dhexsaarto - Aad ka heshey xirfado gaar ah ama aqoon Macluumaadkan ku darso qeybta waxbarashada ee resumeygaaga. Kaliya ku dar koorsooyinka aad qaadadey oo la socda majarkaaga ama maynarkaaga. Ku qor koorsada magaceeda halka aad koorsada lambarkeeda ku qori la hayd. Tusaalooyin: Isbanish (4 samister) Cilmiga Kombiyuutarka Qoraalka Ganacsiga Sharciga Ganacsiga Aqlaaqda Koorsooyinka Quseeyo
Qirbrada Shaqaaleynta • Ku qor jagooyinka aad horey u soo qabatey ee si un la xiriira, shaqada aad hadda raadineyso. Shaqooyinka waxay noqon karaan mid lacag laguugu siinaayey ama mid aad waqtigaaga ku tabaruceysey. • Isku day in aad curiye noqoto oo aad qeybtan si wanaagsan resumeygaaga ugu qeexdo oo carabka ugu adkeeyso qibradahaaga la xiriira sida ugu suurto galka ah. • Ku fakir shaqooyinka aad horey u qabatey waxyaabaha aad ku GUULEYSATEY, oo ma ahan wax aad qabtey oo kaliya.
Shaqo Dhexdeeda lagu Tababaranayo Meey 1999-Agoosto 1999 Holiday Inn, Laguna Hills, CA Mas’uul ka ahaa qorsheynta, soo saarista, diyaarinta iyo dhaqso cunto u keenida. Waxaan ka gargaarey tababarka iyo dib-u-tababarka shaqaalaha cusub iyo kuwa qibrada leh. Maqaaxida ka abuurey bee'ayd caafimaad oo iijaabo qabta. Qeybta qibrada waa in aad ku qortaa macluumaadka sida magaca shirkada iyo meesha, jagada shaqada, taariikhaha, iyo howlaha aad qabatey. Qebtan ka dhig mid si sahlan loo aqrin kara adiga oo isticmaalaya meelo banaan iyo calaamaddo falaar oo aad ku tilmaameyso. Isticmaal jumlado gaaban oo caddeynaya waajibaadyada aad qaban jirtey. Qibradaada Shaqo
Jumladaha gaaban waxay kaa caawinayaan in aad ka fogaato in aad qoraalkaaga soo koobto oo in ay qibradahaaga waxyar ka sheegto. Ka fakir qibradahaaga sida qof qibrad leh u sameyn la haa oo kale. Jumladaha Gaaban Shaqo Dhexdeeda Lagu Tababaranayo (Meey 1999-Agoosto 1999) Holiday Inn, Laguna Hills, CA • Mas’uul ka ahaa qorsheynta, soo saarista, diyaarinta iyo dhaqso cunto u keenida. • Waxaan ka Gargaarey tababarka iyo dib-u-tababarka shaqaalaha cusub iyo kuwa qibrada leh. • Maqaaxida ka Abuureybee'ayd caafimaad oo iijaabo qabta.
Qeexitaankaaga ka dhig mid sahlan ee la aqrin kara oo isku toosan. Sameyso halk qaab oo kaa ku dheganow. Tusaalaha, ficillada oo dhan hal qaab u dhig: “korjoogey,” “gargaarey,” iyo “abuurey” dhamaan waa ficillo tagey. Isticmaal Fal Tagey, Mid Jooga Isku si ah… Shaqo Dhexdeeda Laug Tababaranayo 1999 Holiday Inn, Laguna Hills, CA • Mas’uul ka ahaa qorsheynta, soo saarista, diyaarinta iyo dhaqso cunto u keenida. • Waxaan ka gargaarey tababarka iyo dib-u-tababarka shaqaalaha cusub iyo kuwa qibrada leh. • Maqaaxida ka abuurey bee'ayd caafimaad oo iijaabo qabta.
dhaqdhaqaaqa iyo Shahaado • Howlaha la xiira ee aad qabatey iyo shahaadooyin lagu siiyey waxaa lagu qoreyaa waxyaabaha aad qabatey iyo mudnaanta la xiirira oo aad kala hadli karto shirkada aad saadaalineysid in aad u shaqeyso ama ku siisey xirfaddo ama qibrado qiimo leh.
Xirfadaha Farsamo/Taqasus • Ku qor xirfadaha kaa dhiga qof gaar ah, sida xirfadaha kombiyuutarka, xirfadaha luqadaha shisheeyaha, ama haddii aad ciidamada ku jirtey. • Si cad u qeex adiga oo ku qoraya xirfadahaaga gaarka; ku qor barnaamijyada kombiyuutarka ee aad taqaano, mudada aad luqadaha shisheeyaha aad baraneysey, mudada aad ciidamada ku jirtey. • Waxaad u baahan tahay in aad qeyb qaar ah u sameyso Qibradahaaga Farsamada.
Resumeygaaga u habee si aad ugu sheegto xirfadahaaga, kartidaada, iyo waxyaabaha aad ku guuleysatey! Ku qor nooc kasta oo gaar ah sida wanaagsan u muujinaya qibradahaaga shaqsiyadeed: Adiga oo ku fakiraya jagada, shirkada, iyo howsha gaarka ee shirkada qabato. Hababka resumeyga loo qoro ee ugu caansan waa: Taariikh ahaan habeysan Functional (Isku xiran) Combination (Isku jirta) Imaginative/Creative (Mid aad hindistey/Hal-abuurtey) Habeynta Resumeygaaga
Waxbarashadaada iyo qibradaada shaqo u qor sida mid taariikh ahaan habeysan, adiga oo ka bilabaya qibradahaaga ugu dambeeyey. Noocan waxa uu ku fiican yahay dadka qibradahooda shaqo aadka ugu eg jagooyinka banaan ee ay buuxinayaan ama kuwa aan muddooyin badan aan baalgamoodi ah marka ay shaqo ka soo dhamaato ilaa iyo mid kale ayay ka helayaan. Fiiri Warqadaha Tusaalooyinka la Qeybiyay. Nooca Resumeey ee Taariikh ahaan Habeysan
Qibradahaaga u habee nooca howlo ee aad soo qabatey. Midiiba hoosteeda, ku qor tusaalooyin gaar ah. Ku qor qibradaha sida tooska ah la xiriira shaqada aad raadineyso. Iska ilow qibradaha aan la xiriirin shaqada aad buuxineysid. Ku qor sida ay ukala muhiimsan yihiin halka aad u qori la hayd qaab taariikh ahaan ay isku soo xig-xigaan. Nooca Resumeey Waxqabad
Nooca Resumeey Waxqabad XIRFADAHA UGU MUHIIMSAN: Xirfadaha Farsamo • Qibrad u leh Skilled in Photoshop, Quark Xpress, Corel Draw, PageMaker, HTML, iyo Dreamweaver • Si fiican u garanaya PC iyo Mac hardware iyo operating systems Xirfadha Daryeelka Macaamiisha • 3+ sanadood oo qibrad shaqo ku wanaagsan daryeelka macaamiisha. • Si tayo iyo xirfadnimo ku dheehan u maareeyey cabashooyin adag oo ay macaamiishu soo jeedisey • Habeeyey codsashada macaamiisha oo mudnaan kala siiyay waqtiyada loo wada qabtey si shaqsi kasta baahidiisa/deeda loo xaliyo.
Carabka ku adkee what aad qaban karto halka aad uga warmi la hayd meesha aad ka soo shaqeysey. Isku day in isa-si aad u qorto xirfadaha ay u raadinayaan jagada aad buuxineyso. Noocan ayaa ah mid ku haboon dadka meelo kala duwan ka haysta qibrado dhowr ah oo aan isla socon. Ardayda Shaqo Badel Nooca Resumeey Waxqabad
Nooca Resmeey ee Isku Jira • Sida magaca ku tilmaamanba, noocyada Isku-Jira iyo mida Taariikh ahaan habeysanba. • Waxay ku siinaysaa resumeey bedbeddelmaysa oo aad meel isugu geyneyso Xirfaddo Muhiim ah, adiga oo ku sii qoraya Taariikhdaada Shaqo oo faahfaahsan. • Fiiri Warqadaha Tusaalooyinka ee la Qeybiyay. • Ka fiiri Qeybaha Xirfadda: Adiga oo ka Eegaya Meelaha Shaqooyinka lagu soo dhejiyo, adiga oo ONET ka Baaraya, iwm.
Dad ku garanaya • Guud ahaan, ha ku daran magacyada iyo cinwaanada ee dadka adiga ku yaqaano ee aad rasumeyga ku qoreyso. • Waxaa ku filan in aad ku qora: “Waa Idin Diyaar Marka Aad Iga Soo Codsataan”(“References Available Upon Request”) • Isku day in aad qoroto oo aad doorato xirfadle ku garanaayo halka aad ka dooran la hayd shaqsi caadi ah (haddii suurto gal tahay). Shirkadaha iyo maclimiinta jaamacadaha ee garanaaya adiga iyo howshaada ayaa ah kuwa ugu wanaagsan ee lagu qorto.
Dr. Mary Smith Waaxda Ganacsiga Shaqaale Macalin Saddleback College Mission Viejo, CA 92692 (949) 555-1212 Ku Qor: Magaca, Jagada, Cinwaanka, iyo Shaqsiyaadka ku qanaana Lambarka Telfoonadooda. Markastaaba fasax weydiiso ka hor inta aadan macluumaad ku qorin. Isku day in shaqsiyaadkaasi aad siiso nuqdo ah rasumeygaaga si ay isugu diyaariyaan in ay la hadlaan shirkadaha aad shaqada ka buuxisey. Isticmaal isla Cinwaankii sida Resumeygaaga! Bogga Shaqsiyaadka Ku Yaqaana
Aqoon-kororsi Resumeyga Hambalyo! Waad dhameysey Aqoon-korosiga Resumeyga.